“Sababtee ayey 4 sano kasta Maamul goboleedyo ugu afduuban tahay doorashada”

Madaxweynaha Somalia: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Maqaal faahfaahsan oo uu ku qoray Barta Siyaasada Arimaha Caalamka (Foreignpolicy) ayuu cinwaan uga dhigay:

“HA IGU EEDEYN DIB-U-DHACA DOORASHADA!!

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qormadiisa ku ku bilaabay.

..”si looga digtoonaado uumi-bax-awoodeed marki uu dhamaaday mudo xilleed keyga oo ku ekaa Feb. 8, 2021. Golaha Shacabka waxay 2020 meel mariyeen xeer-hoosaad lagu qeexay in xukun wareejinta ay ku imaan karto doorasho oo kaliya. taasoo micnaheedu yahay Masuuliyiinta talada hadda heysa inay baaqi kusii ahaan karaan xukunka ilaa dib looga doorto ama looga guuleysto hannaan doorasho.

Dib u dhaca dooshooyinka dalka ma aha mid aan anigu rabo inaan xukunka ku joogo, sida ay been-hawaasku ku doodayaan, ee waa curyaamin siyaasadeed Dowlada Federalka uga yimid qaar kamida Maamulada xubnaha ka ah.

Isfahmi-waaga waxaa gundhig u ah hiigsiga dowladeyda oo ahaa Hannaanka Caalamiga ee Doorasho toos ah oo ay caqabad ku noqdeen kuwo doonaya doorasho dadban, taasoo awood siineysa kooxo kooban  isla markaana dafireysa codka muwaadinka ee kamida xuquuqda asaasiga. Waxaa la jooga xilligi Beesha Caalamku isweydiin lahayd: sabab, ayay odayaal-qabaa’ileed cayiman iyo hoggaamiye maamul goboleed ay afar sano kasta doorashada ugu afduuban tahay? Maxay tahay danta gaarka ah ee ugu jirta inaan la maqlin codadka malaayiin shacab kuwaasoo ay sheegaan inay matalaan?”…

Madaxweynaha Qoraalkiisa wuxuu ku xusay in Hannaanka Doorashada uu soo bilaabay marki uu xukunka qabtay February 2017. balse markasta ay jidgooyo ku ahaayeen koox kooban oo aan raali ka ahayn in Somalia u gudubto Doorasho Qof & Cod.

Madaxweynaha Qaranka waxa uu qalinkiisa kusoo koobay inta goor ee uu u tanaasulay shacabka dartiis. “Waxaan ka sariiganayaa in doorasho dadban aan xilka ku qabtay, hadaf keyga ugu horeeyayna wuxuu ahaa inaysan dib dambe u dhicin nidaam qabali oo la isku doorto oo aan awooda shacabka dib ugu celiyo, waxaanse uga tanaasulay inaan fowdo iyo qalalaase dambe dib loogu laabanin”.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu marag-ma-doonto ka dhigay in Heshiiski Doorasho ee September 17 ay maamulada gacantooda kusoo qorteen marki dambena dib uga laabteen kadib marki ay Jubaland & Puntland safaro u kala aadeen Dowladaha Kenya & Imaaraadka Carabta oo aan murtaax ku ahayn horumarka Somalia.

Madaxweynaha Qaranka wuxuu dul istaagay inuu saxiixay Xeer-hoosaad dhigaya in ‘Mudo 2sano Xukuumada hadda joogta looga rabo inay dalka ka hirgeliso doorasho Qof & Cod kaasoo April 12keedi  aqlabiyad ku meelmariyeen Golaha Shacabka oo ah Hey’ada Rasmiga ee Sharciyad buuxda u heysata go’aan ka gaarista Arimaha Cakiran. Nasiirdaro go’aankaas dowliga ah kooxo hubeysan ayaa fowdo uga falceliyay aniga oo Madaxweynihi Dalka ah ayaa May 1, Golaha Shacabka dib ugu laabtay kana codsaday in go’aankooda ay dib uga laabtaan Hannaanka Doorashadana sharciyad loo siiyo inuu daadihiyo Raisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha Qaranka qoraalkiisa waxa uu kusoo gunaanaday..

“Soomaaliya weli waxay wajaheysaa caqabado dowladnimda iyo horumarka. waxaa cadeyn u ah hab-maamul dhisida sarre-hoosaadka inaysan dalka u horseedeyn doorasho shacab.

Mustaqbalka dhow, waxaa waajib naga saaran yahay inaan u jiheysano dardargelinta daadejinta dowladnimo. si kastaba ha ahaato’e waxaan ku gowracannahay in kala-guurka dimoqraadiyadeed uu ahaado mid soomaali leedahay soomaalina majaraha u heyso.

Si aan taas u gaarno, waxaan had iyo goor heegan ugu jirnaa Doorasho Hannaan Caalami inagoo jaranjaro aan uga gudubno ka dhiganeyna doorashadan dadban si ummada Soomaaliyeed loo samatabixiyo xeyndaabka xanuunka badan ee ay ku xaniban yihiin loona gaarsiiyo xoriyad ay hoggaanka siyaasada ku matala ku dooran karaan.

Madaxweynaha Somalia
Maxamed C/llaahi Farmaajo

Waxaa turjumay: Liiban Cabdi

- Advertisement -