Dowlada Somalia oo joojisay xaflad caawa ka dhici laheyd hotel ku yaalla Muqdisho

Dowlada Soomaaliya ayaa caawa joojisay xaflad la sheegay in lagu xusayey dabaaldega sanadguurada 30aad ee ka soo wareegtay gooni isku taaga Somaliand oo ka dhici laheyd Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Booliska Somalia ayaa caawa gaaray hotelka Elite ee ku yaalla xeebta liido ee magaalada Muqdisho waxayna kala eryeen dad u badnaa kuwo kasoo jeeda gobolada waqooyi oo isku diyaarinayey iney halkaas xaflad ku qabtaan.

Maamulka Hotelka ayaa markii dambe ku wargeliyay qaban-qaabiyaashi Xafladda inay soo gaartay warqad lagu joojinayo Xaflada oo ka soo baxday Wasaarada arrimaha gudaha ee xukuumada Somalia, iyadoo ugu dambeyna halkaas lagu kala dareeray.

Somaliland ayaa maanta laga xusay maalinta 18ka May oo ku beegan 30 sano guuradii ka soo wareegtay markii ay ku dhawaaqday iney ka go’day Somalia inteeda kale inkastoo aysan aqoonsi ka helin caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -