Taliyaal Ciidan oo la magacaabay iyo kuwa kale oo isbadal lagu sameeyay (Akhriso Magacyada)

Wareegto kasoo baxday taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa taliyaal ciidan loogu magacaabay saldhigyada booliiska magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Matabaan.

Janaraal Xijaar wareegtaga uu soo saaray ayaa taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb loogu Magacaabay Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame, halka Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan loo Magacaabay Dhame Nuur Cilmi Maxamed.

Waxa uu sidoo kale taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya u magacaabay

taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Mudug  Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud, oo horey u ahaa taliyaha Booliiska Dhuusamareeb.

Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa amray Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Galmudug  in uu howlgeliyo saraakiisha la Magacaabay, isla markaana uu u dalbo xaquuqda ay leeyihiin saraakiishan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -