Allbanaadir.com
NEWS

Hindise sharciyeedka qaab-dhismeedka shirkaddaha amni ee Hirshabelle oo la ansixiyay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada , waxaana kulanka kala qeyb galay madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle.

Ugu horreyn xarunta shirka waxaa lagu dhaariyay xubno cusub oo kamid noqday golaha Wasiirrada Hirshabeelle, kuwaa uu xalay wareegto uu soo saaray mu magacaabay madaxweyne Cali Guudlaawe.

Wasaarradaha Amniga, Arrimaha Guddaha iyo Xannaanada iyo Xoollaha ayaa laga dhageystay warbixino ku aadan xaaladdihii amni ee ugu dambeyay Dowladda Hirshabeelle, Shirweynihii dhawaan ka dhacay magaalada Jowhar iyo sida ay u socoto shaqadda Wasaarrada Xannaanada iyo Xoollaha.

Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka qaab-dhismeedka shirkaddaha amni ee gaarka loo leeyahay.

Ugu dambeyn madaxweynaha  Hirshabeelle ayaa faray xubnaha Golaha Wasiirrada inaan fasax la geli karin bisha Ramadaan taas beddelkeeda in si adag loogu khidmeeyo shacabka Hirshabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Armenia oo shaacisay tirada ciidamada loooga dilay dagaalkii Azerbaijan

Cabdi Cade

Labo nin oo ku eedeysan xaalufin oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Agaasime Koofi oo kormeeray Xafiiska bixinta Baasaboorada Safaarada Somalia ku leedahay Kenya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---