Midowga Musharaxiinta oo Eedeyn culus u jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble

Golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal ku qoran Luqada Ingiriiska ay soo saareen waxa ay walaac uga muujiyeen in Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta uu ka weecanayo wadadii dhax dhaxaadnimada uu horey u balan qaaday.

Qoraalka kasoo baxay midowga musharaxiinta Madaxweynaha ayey ku sheegeen in Ra’isul Wasaare Rooble uu la kulmayo culees kaga imaanaya banaanka oo fadhiid ka dhigtay geeddi socodka doorashooyinka aan wali laga heshiin.

“Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta.

Golaha midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble in uu muujiyo madax banaanida howlaha doorashada ee loo igmaday sidoo kale ka baaqsado safarada dibadda aan muhiimka aheyn.

Musharaxiinta ayaana Ra’isul Wasaaraha Xukuumada ku booriyay in si deg deg ah u bilaabo howlaha doorashada , kana shaqeeyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho hufan oo raali laga wada yahay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -