Qaar ka mid ah rag Booliska Kenya shaaciyeen Sawiradooda oo isa soo dhiibay

Waxaa isa soo dhiibay saddex ka mid ah rag Booliska Kenya ay shaaciyeen magacyadooda iyo sawiradooda kuwaasoo looga shakiyey iney ku lug lahaayeen weerarkii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Nairobi.

Raggan ayaa isku dhiibay Booliska Magaalada Isiolo ee Waqooyiga dalkaasi oo 285-km Waqooyi kaga toosan magaaladda Nairobi sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation.

Magacyada ragga isku dhiibay Booliska Isiolo waxaa lagu kala sheegay: Cabdi Cali Kanjora, Boru Cabdi Bidu iyo Ramadan Wariyo Bonaya.

Waalidiinta dhalay ragga isku dhiibay Booliska Kenya waxay sheegeen inaysan wax lug ah ku lahayn dembiga lagu tuhunsan yahay, ayna aad ula yaabeen eedeymaha loo soo jeediyey, waxayna tilmaameen iney iyagu ka dambeeyeen wiilashooda iney booliska isku dhiibaan si ay isaga bari yeelaan dembiga lagu eedeynayo.

Waxay intaas ku dareen inay ka argagaxeen markii ay magacyadda wiilashooda iyo sawiradooda xalay ku arkeen Warbaahinta, iyagoo xusay inay cabashadooda u gudbiyeen masuuliyiin ka tirsan dowlada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -