Labo Musharax midkood oo loo saadaalinayo in Madaxweyne ka noqdo maamulka Galmudug 

Waxaa dhawaan la filayaa magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug in lagu soo dhiso Baarlamaankii labaad ee Maamulka Galmudug yeesho, Baarlamaanka ayaa iyana laga filayaa in ay soo doortaan Gudoon iyo Madaxweyne.

Xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug waxaa isku soo sharaxay dhowr Musharax oo isugu jira kuwa saameyn badan siyaasada xiligan ku dhax leh iyo kuwa aan saameyn laheyn oo hada magac ku raadinaya doorashada dhaceysa.

Musharaxiin kale oo badan ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan in iyana ku dhawaaqaan in ay u tartamayaan xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug ,Madaxweyne kuxigeen iyo Gudoonka Baarlamaanka.

Labo Musharax ayaa ilaa hada la sadaalinayaa in midkood doorashada kusoo baxo, waxaana labadan Musharax kala wata Xukuumada Nabad iyo Nolol iyo sidoo kale kooxda ugu weyn Mucaaradka uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh.

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Cabdiraxmaan Odawaa hadana ah Xildhibaan katirsan Baarlamanaka federaalka ayaa ah musharax saameyn badan, waxaana musharaxan loo saadaalinayaa in Madaxweynaha Galmudug loo doorto.

Xukuumada Soomaaliya ayaa iyana la tuhmayaa in ay gadaal ka riixeyso Musharax  Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ah Wasiiru dowlaha Wasaarada howlaga guud iyo Dib u dhiska, musharaxan ayaan saameyn badan siyaasada ku laheyn hasa ahaatee wax ku noqonaya taageerada Nabad iyo Nolol.

Odawaa iyo Qoorqoor oo kasoo wada jeeda magaalada Cadaado ayaa hada ah labada Musharax ee ugu miisanka culus loona saadaalinayo in tartanka ugu adag dhax mari doono midkoodna soo bixi doono.

Marka la eego taageerada dhinaca shacabka labadan musharax waxaa ku taageero badan Cabdiraxman Odawaa , hasa ahaatee waxaa xusid mudan in taageerada shacabka aan waxbo lagu noqoneyn rabitaan shacabna aysan cidna wax ku dooraneyn xiligan.

Waxaa suurto gal ah in uu soo baxo musharax kale oo ka saameyn badan labadan Musaharax ee hada ugu saameynta badan inta sharaxan, waxaana suurto gal ah in dooarshada kusoo baxo musharax aan saadaalinta ku jirin.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa rumeysan in u badan tahay in maamulka Galmudug Madaxweyne ka noqdo Musharaxa ay lasoo shartagto kooxda Nabad iyo Nolol maadaama iyadu doorashada gacanta ku heyso sidoo kale dhaqaalo badan ku bixineyso.

Kooxda Nabad iyo Nolol ayaa ku tashaneysa in Galmudug hogaan ka noqdaan dad iyaga ay wataan sida maamulka Koonfur Galbeed, waxaana kooxdan dooneysa in Galmudug laga soo doorto 2021-ka Xildhibaano iyaga taabacsan si ay mar kale talada dalka ugu soo noqdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -