Ra’isul Wasaare Rooble oo Amaan kala dul dhacay Dhalinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u diray dhalinyarada Soomaaliyeed hambalyo ku aadan sanad guuradii 78aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururkii Xornimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

“78 sano ka hor, ayay 13 dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed aasaaseen urrukii SYL oo doorka ugu weyn ku lahaa in dalkeennu hanto xornimada aan maanta harsaneyno.Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee xornimada horseeday waxa ay Soomaali dhaxalsiiyeen taariikh mug weyn oo ifeysa iyo tusaale Soomaalinimo, Gobanimo, Daljaceyl iyo Isku duubni.”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhalinyaradii horseeday halganka ay dunida iyo dadka Soomaaliyeedba bareen awoodda dhallinyarada iyo sida ay guulaha uga soo hoyn karaan dhinac walba, markii laga helo daacadnimo iyo isku duubni.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa udub dhexaadka dalkeenna, waxa ayna bulshada ka yihiin in ka badan 70%, taas oo ka dhigan in dalkeennu yahay dal dhallinyaro.”

Eng. Rooble ayaa xusay in Xukuumaddiisu iyadoo garowsan muhiimmadda dhallinyarada Soomaaliyeed ay mudnaan gaar ah siineyso horumarintooda iyo sidii loo xoojin lahaa ka qeyb galkooda dhinacyada kala duwan ee nolosha, si gaar ahna siyaasadda iyo hoggaaminta dalka.

“Da’ yarta Soomaaliyeed hablo iyo wiilalba waxaan ku boorrinayaa in ay kaalintooda qaataan, isku duubnaadaan oo dhexda u xirtaan sidii aan dalkeenna uga saari lahayn marxaladda adag ee uu marayo.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -