Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Faransiiska oo qaadaya Talaabo ka careesiineysa Muslimiinta dalkaasi kunool

Qaar kamid ah wadamada caalamka waxaa ka socda banaan baxyo waa weyn oo looga soo horjeedo gumaada ciidamada Israa”il ay ka wadaan dhulka Reer Falastiin iyo weerarkii ay ku qaadeen Masjidka Al Aqsaa.

Muslimiinta kunool dalka Faransiiska gaar ahaan ururada u dhaq dhaqaaqa arimaha Falastiin ayaa qorsheenaya in ay dhigaan banaan bax balaaran ay taageero ugu muujinayaan Falastiin kuna cambaareenayaan weerarada Israa’iil.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in uu booliiska ka dalabaday in ay mamnuucaan dibad-baxyada lagu taageerayo Falastiin, kuwaas oo la qorsheenayo in ay ka dhacaan meelo ka mid ah Faransiiska.

Darmanin ayaa warbaahinta u sheegay in uu madaxa booliiska ku amray in la joojiyo dibad-baxyadaas, si loo ilaaliyo xasiloonida,waxa uuna ugu baaqay dadka banaan baxa abaabulaya in ay joojiyaan.

Abaabulayaasha Banaan baxa ayaa dhankooda dhagaha ka fureesta amarka kasoo baxay dowlada Faransiiska, waxa ayna sheegeen in ay sii wadi doonaan abaabulka banaan baxa ayna dhigayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo loogu deeqay 17 milyan oo dollar iyo arrin deg deg ah oo wax looga qabanayo

Caydiid Ali

Maxkamadda sare ee Britain oo go’aan ka gaareysa, siyaasad Muran badan dhalisay

Cabdi Cade

Dowlada Qatar ma ku faraxsan tahay heshiisyada Israel & dalalka Carabta qaarkood?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---