Dowlada Qatar ma ku faraxsan tahay heshiisyada Israel & dalalka Carabta qaarkood?

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar ayaa sheegey in xiriirka ay dalal Carbeed la sameeyeen Israel uu majaxaabineyo dadaallada lagu doonayo in Falastiin ay dal ku noqoto, balse waxa uu sheegey in dalalkaasi ay u madax bannaan yihiin inay sidaasi sameeyaan.

Hoggaamiyayaasha Falastiin, ayaa ku eedeeyay dalalkaasi qayaano, halka saraakiil Mareykan iyo Israel ah ay sheegeen in dalal kale oo Carbeed ay waddada ku soo jiraan.

“Waxaa wanaagsanaan laheyd in la helo Carab mideysan oo danaha Falastiiniyiinta ka dhigta hadafkooda koowaad, soona afjara heysashada Israel.” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Qatar, Sheekh Maxammed bin Cabdulraxman Al-Thani oo  hadalkaasi u sheegey madasha Global Security Forum.

Waxa uu sheegey in kala qeybsanaantu aanay caawineyn dadaallada wadajirka ah ee Carabta ee ku aaddan in Israel ay la xaajooto Falastiin

Dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Sudan ayaa bilihii dhawaa go’aansaday inay cadowtooyadii Israel kala dhaxeysay meel iska dhigaan, oo ay xiriir wanaagsanna abuuraan, kadib heshiisyo uu ka soo shaqeeyay maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -