Wararkii Ugu Dambeeyay Gantaalo laga tuuray dalka Siiriya oo ku dhacay Israa’iil

Ciidamada Difaaca maamulka Israa’iil ayaa war goordhaw soo saareen waxa ay ku sheegeen in madaafiic laga soo tuuray gudaha dalka Siiriya in ay kusoo dhaceen qeybo kamid ah Israa’iil.

Qoraalka kasoo baxay ciidamada difaaca Israa’iil ayaa lagu sheegay in sadex madfac oo laga soo tuuray dalka Siiriya in labo kamid ah ku dhaceen dhulka ay maamusho Israa’iil halka midka sadaxaad sheegeen in uu ku dhacay gudaha Siiriya.

Israa’iil ayaa sheegtay in madaafiicdan ay ku dhaceen dhul banaan ayna geesan wax khasaaro ah, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada weerarkan madaafiicda loo adeegsaday ee lagu qaaday Israa’iil.

Maamulka Israa’iil ayaa horey u shaaciyay in madaafiic laga soo tuuray gudaha dalka Lubnaan in shalay kusoo dhaceen gudaha Israa’iil, mana jiro ilaa hada kooxo rasmi ah oo sheegtay in madaafiicdaasi tuureen.

Weeraradan madaafiicda loo adeegsaday ayaa imaanaya xili rabshado u dhaxeeya shacabka Falastiin iyo ciidamada Isra”il ku fidayaan dhulka ay xooga ku heesato Yahuuda, waxa ayna ciidamada Yahuuda maalmihii lasoo dhaafay dileen dad ka badan 100-qof oo shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -