Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gantaalo laga soo tuuray meel ka baxsan Falastiin oo lagu weeraray Israa’il

Warbaahinta Israa’il ayaa ku waramaysa in gantaalo laga soo tuuray meel ka baxsan dhulka reer Falastiin in lagu soo weeraray qeybo kamid ah Israa’il, waxaana gantaaladan la sheegay in aysan ka dhalan wax khasaaro ah.

Ciidamada Difaaca Israa’il ayaa shaaciyay in sadex gantaal oo laga soo tuuray dalka Lubnaan in lagu soo weeraaray Israa’il, waxa ayna sheegeen in gantaaladaasi ku dhaceen badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebta waqooyiga Israa’iil.

Ma jirto ilaa hada koox sheegatay in ay ka dambeeyeen gantaaladan loo soo tuuray dhinaca Israa’il, waxaana dalka Lubnaan oo la sheegay in laga soo tuuray gantaaladan ku xoogan kooxda Xisbulaah oo horey dagaal adag ula gashay Israa’il.

Weerarkan gantaalada loo adeegsaday ayaa imaanaya xili rabshado u dhaxeeya kooxaha gobonimo doonka Falastiin iyo ciidamada Yahuuda Israa’il ka socdaan magaalada Qudus iyo Gaza, waxa ayna ciidamada Israa’il duqeymo culus ku dileen shacab badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlgal Amni xaqiijin ah oo laga sameeyay xaafado katirsan Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulamo kawada magaalada Gaalkacyo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasaaradda Waxbarashadda DF oo digniin siisay dugsiyada hoose, dhexe & Sare ee dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---