Wakiilo katirsan Beesha Caalamka oo tagay Baydhabo lana kulmay Lafta Gareen (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed gaaray Wakiilo katirsan beesha caalamka oo hogaamineysay  Kuxigeenka Koowaad ee wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaana Madaxtooyada Baydhabo kusoo dhaweeyay wakiiladan katirsan beesha caalamka ay ku jireen Wakiilka Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Lafta Gareen iyo Wakiilada beesha caalamka ayaa kawada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan shirka la filayo in magaalada Muqdisho isugu yimaadaan Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamulada si ay uga wada hadlaan arimaha doorashada.

Wakiikalada beesha Caalamka ayaa ku booriyay Laftagareen in kaalin muuqata ka qaato xal u helida khilaafka hareeyay doorashada iyo sidii u noqon lahaa mid miro dhala shirka la filayo in uu ka dhaco Muqdisdho ee looga arinsanayo doorashada lagu muransan yahay.

Beesha Caalamka ayaa mar kale gacan ka geesaneysa qabsoomida shirka loo balansan yahay in 20-ka bishan ka dhaco magaalada Muqdisho, kaa oo looga arinsanayo hirgalinta heshiiskii doorashada ee 17-september.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -