Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Go’aanka Kenya kuna hanjabtay in talaabo qaadeyso

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aankii saakay kasoo baxay dowlada Kenya ee ku joojisay dhamaan duulimaadyadii Soomaaliya uga imaan jiray iyo kuwa Kenya ka bixi jiray marka laga reebo diyaaradaha Qaramada Midoobay iyo kuwa gar gaarka.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in go’aanka Kenya kasoo baxay warbaahinta kaliya ka arkeen balse aysan jirin qoraal kale oo rasmi ah oo Kenya kasoo gaaray.

Waxa uu sheegay Wasiir Duraan in wax aad loola yaabo ay tahay go’aankan kasoo baxay Kenya xili uu sheegay in maalmo kahor dowlada Soomaaliya si qalbi wanaag ah go’aan ku gaartay in lasoo celiyo xiriirkii kala dhaxeeyay Kenya oo mudooyinkii lasoo dhaafay xumaa.

Wasiirka ayaa sheegay in go’aankan kasoo baxay Kenya uu saameyn ku yeelanayo shacabka labada dal ee dariska gaar ahaan ganacsatada, waxa uuna xusay in dowlada Soomaaliya saameyn gooni ah in uusan kasoo gaareyn go’aankaasi.

Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay arintan ka fariisaneyso ayna soo saari doonto wadatashi kadib go’aan u dhigma midka maanta kasoo baxay dowlada Kenya ee lagu joojiyay duulimaadka labada dal u dhaxeeyay.

Go’aankan dowlada Kenya kasoo baxay ayaa u muuqda mid jawaab u ah qoraal dowlada Soomaaliya maalin kahor soo saartay oo ku sheegtay in xayiraada jaadka Kenya uu wali sii jirayo taa oo ka careesiisay dowlada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -