Madaxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho kulan Muhiim ah kula qaatay Ms. Tiina Intelmann

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Muqdishu kula kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann.
 
Kulanka dhax maray Madaxweynaha Galmudug iyo Danjiraha  Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka ka bilowday iyo amniga guud ee dalka.
Waxaa sidoo kale kulankan labada masuul uga wada hadleen sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Galmudug.
Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann ayaa dhawaan soo gaartay magaalada Muqdisho lagana gudoomay warqadaha aqoonsiga, waxaana la filayaa in sidoo kale la kulanto madaxda kale ee maamulada dalka ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -