Xukun Dil ah oo lagu fuliyay Ninkii dilay Taliye kuxigeenkii NISA ee Galmudug iyo Walaashiis (Sawirro)

Waxaa goordhaw fagaare kuyaalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay askari katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo dhawwaan dil aad looga naxay ka geestay Caabudwaaq.

Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyay oo lagu magacaabayay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) ayaa dhawwaan Caabudwaaq ku dilay Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/L Faarax Cumar Geelle iyo Walaashisi iyo Xaawo Cumar Geelle.

Fagaaraha xukunka dilka ah lagu fulinayay waxaa goobjoog ka ahaa ehelada marxuumiinta, masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Caabudwaaq.

Odayaasha dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caabudwaaq ayaa soo dhaweeyay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay askarigan dilka u geestay Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/L Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaana xukun dil ah ku riday askarigan goordhaw xukunka lagu fuliyay, waxaana askarigan oo markii uu dilka geestay baxsaday ugu dambeyn lagu soo qabtay howlgal balaaran ay ciidamada Galmudug sameeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -