Maxaa Ka Dambeeya Dib u Soo Celinta Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya?

Soomaaliya oo faraggelinta arrimaheeda gudaha awgeed muddo ku dhow lix bilood xidhiidhka u jartay dowladda Kenya ayaa May 6, 2021 dib u soo celisay xidhiidhkii diblomaasiyadeed. Dhexdhexaadin daaha gadaashiisa ay ka wadday Qadar ayaa suuraggeliyey heshiiska lagu ilaalinayo danaha labada dal.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in shuruud ahaan “Nairobi ay oggolaatay inaysan faragelin arrimaha gudaha.” Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in “labada dowladood ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu salaynayo mabaadi’da ixtiraam-wadaagga madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee midba midka kale, sinnaanta wax-wadaagga iyo nabad ku wada-noolaashaha” (Aljasira 06/05/2021).

Inta badan xidhiidhka labada dal ee deriska ah ayaa qasnaa tan iyo markii Kenya ay ku soo duushay Soomaaliya sanadkii 2011. Balse Soomaaliya iyo Kenya ayaa galay dagaal diblomaasiyadeed kaddib markii Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu sumeeyay xidhiidhkii labada dal iyo markii uu si rasmi ah ugu casuumay Nairobi wafdi Somaliland ah oo uu hoggaaminayey Mudane Muuse Bixi Cabdi, taas oo ahayd xadgudub qarannimo.

Siyaasadda Faraggelinta

In muddo ah Kenya waxay isku aragti ka ahaayeen Imaaraadka siyaasadda hagardaameynta Soomaaliya. Doorashadii madaxweynaha ee 2017kii Kenya, Imaaraadka iyo shirkadda shidaalka Eni Energy ee Talyaaniga ah waxay u ololeynayeen musharrixiin uu ka mid yahay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyagoo ku carqaladeeynayey Xasan Sheikh Maxamuud. Abu Dhabi waxay saami ku leedahay shirkadda Eni Energy ee shidaalka ka baareysa aaga badda Soomaaliyeed.

Haseyeeshe, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Kenya saddex arrimood ay ku qasbeyso inay qaadato heshiiska: (1) Mareykanka oo xoojinaya siyaasadda dib u xasillinta Geeska Afrika; (2) Aafada Covid-19 oo si lixaad leh u dhaawacday dhaqaalaha Kenya xilli Soomaaliya ay kula jirto dagaal ganacsi iyo diblomaasiyadeedba; iyo (3) Go’aanka Maxkamadda ICJ oo ay dhici karto inuu u dhaqaalaha shidaalka u wareejiyo dhanka Muqdisho Soomaliya.

Bayaan ay soo saartay Wasiiradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa lagu sheegay inay, “rajayneyso in xidhiidh caadi ah la yeelato mas’uuliyiinta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin ganacsiga, isgaarsiinta gaadiidka, xidhiidhka dadka iyo dadka, iyo isweydaarsiga dhaqanka” (US News – 06/05/2021).

Dhexdhexaadinta Qadar

Sanado badan oo is-xaqiraad iyo eedeyn ah kaddib, waxaa muuqata Kenya inay la soo baxday ciyaar cusub, taas oo malahaa loo turjumi karo inay ka furatay Imaaraadka. Waxaase war ka taagan yahay, maxay ku beddelan karta isku ballaarinteedii biyaha hodanka ee dacwadeedu hortaal maxkamadda ICJ?

Dowladda Kenya oo malahaa ku qanacsan gorgortanka ayaa si taxaddar leh u soo dhaweysay xidhiidhka diblomaasiyadeed. Halkaas waxaa ka cad in wadahadalladii sahminta ahaa aan weli lagu heshiin khayraadka aagga ay sheegenayso. Nairobi caad kama saarna in laga xukumi doono dacwada hortaal maxkamadda ICJ. Halka Muqdisho aysan ku dhicin inay ka hadasho dacwada xilli doorasho.

Haseyeeshe, Qadar oo Iran la wadaagtay kaydkii gaaska dabiiciga ah ee ay ku haysatay ayaa u muuqata in labada dal ku diiriggelineyso in si xasilloon oo waadix ah loo doodo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qadar Sheikh Moxammed bin Cabdulraxman Al-Thani oo la hadlayey Aljasiira ayaa sheegay in “Qadar ay la socon doonto horumarka ku saabsan xidhiidhka haddii loo baahdo in la dhexgalana ay soo dhaweyn doonto sii wadidda taageerada dadaalladaan” (Aljasira 06/05/2021). Hadalka Qadar waxuu muujinayaa inaysan sahlanaan doonin wadahadallada aaga dacwada ka taagan tahay oo ay Soomaalida ka gorgortamayn mulkiyadiisa.

Dhibaatooyinka Jira

Sideedaba xidhiidh loo jaro dal deris ah oo sohdin lala wadaago waa mid xanuun badan u sababa labada dalba. Inkastoo dowladda Soomaaliya aysan moogayn dhibaatooyinkaas, haddana way u bareertay inay xidhiidhka u jarto sababo la xiriiro madaxbannaanida iyo midnimadeeda oo ka tan weyn wax kasta. Malaha sababtaas ayaa haddeer ku qasbaysa in kubbada Qadar so lalisay ay durbadiiba ku dhegto. Balse wax kasta waxay ku xiran yihiin hadba sida mas’uuliyiinta Kenya ay iskaga ilaaliyaan ficilo fashiliya dadaalka, dalkooduna u fuliyo axdiga ay galeen.

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -