Saraakiishii lagu dilay qaraxii ka dhacay Muqdisho oo maanta la aasay (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta qabuuraha isbitaalka xooga ee magaalada Muqdisho lagu aasay taliyihii saldhiga booliiska degmada Waabari iyo taliye kuxigeenkii qeybta Waliyow Cadde oo xalay lagu dilay qarax.

Aaska saraakiishan la dilay ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Xukuumada Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax, Saraakiil Ciidan, qaar kamid ah ehellada iyo saaxiibada saraakiisha qaraxa lagu dilay.

Qaar kamid ah masuuliyiintii iyo dadkii kale ee ka qeyb galay aaska ayaa wajiyadooda laga dheehanayay sida ay uga murugeesan yihiin dilka loo geestay saraakiishan ay sheegeen in ay ahaayeen saaxiibo qaali ku ahaa.

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay saldhiga degmada Waabari ayaa galaaftay nolosha saraakiil katirsan ciidanka booliiska, askar iyo waliba dad shacab ah, waxaana masuuliyada qaraxaasi sheegatay kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -