Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo yeeshay kulan arimo Xasaasi ah uga hadleen (Sawirro)

Waxaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Axmed oo kawada tirsan golaha Midowga Musharaxiinta.

Kulanka dhax maray Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay siyaasada Soomaaliya gaar ahaan sidii looga shaqeyn lahaa qabsoomida doorasho u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kawada hadlay sidii loo dhameestiri lahaa heshiisyadii dhawaan la galeen Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa xasiloonida caasimada.

Sidoo kale Shariif iyo Xasan ayaa qodobada ay ka hadleen waxaa ku jiray sidii loogu diyaar-garoobi lahaa Shirka wadatashida Qaran loo ballansan yahay inuu 20-ka May ka dhaco Magaalada Muqdisho iyo arrimo oo kale gaar u ahaa.

Kulankan dhax maray Labada Madaxweyne hore ayaa kusoo aadaya xili maalmahan soo baxayeen warar sheegaya in Midowga Musharaxiinta gaar ahaan labada Madaxweyne is fahmi waa si hoose usoo kala dhax galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -