Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo Magan galyo weediisay Sudan iyo Sababta keentay

Ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgal nabad ilaalin u joogay gobolka Darfur ee dalka Sudan ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen in dalkooda dib loogu celiyo, waxa ayna taasi badalkeeda magan galyo weediisteen dowlada Sudan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ka badan boqol askari oo Itoobiyaan kana soo jeeda qowmiyada Tigrey ay diideen in dalkooda lagu celiyo iyaga oo ka cabsi qaba in dowlada dhibaato u geesato hadii dalkooda ku laabtaan.

Ciidamadan ayaana qeyb ka ahaa ciidamo Qaramada Midoobay nabad ilaalin u geesay gobolka Colaadaha halakeeyeen ee Darfur, waxaana ciidamadan dowlada Sudan u gudbiyeen codsi caalami ah oo ku aadan in magan galyo siiso.

Dowlada Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in tacadiyo iyo beegsi ku heyso dadka kasoo jeeda qowmiyada Tigrey ay ku jiraan askarta, waxaana gudaha Itoobiya dowlada ku xir xirtay ciidamo Tigrey ah oo dowlada tuhuntay.

Horaantii sanadkan ayaa sidan oo kale ciidamo kale oo kasoo jeeda Tigrey oo howlo nabad ilaalin ah u joogay Koonfurta Sudan diideen in dalkooda dib loogu celiyo iyagoona xukuumada Jubba ka codsaday magan galyo.

 

- Advertisement -