Bandow lagu soo rogay degaanada Puntland iyo socodka gaadiidka oo la joojinayo

Afhayeenka Ciidanka Booliska Puntland G/sare Xassan Cabdullahi Maxamed ayaa shaaciyey in bandow lagu soo rogay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka degaanada Puntland.

Afhayeenka ayaa sheegay in amarkan uu la xiriiro sugida amaanka doorashooyinka qof iyo cod ee goleyaasha degaanka ee Puntland oo 25ka bishan ka dhaceysa qeybo ka mid ah Puntland.

“Ciidanka Booliska Puntland wuxuu ku wargelinaya dhammaan dadweynaha reer Puntland in la joojinayo isku socodka gaadiidka guud ahaan Gobollada Puntland inta lagu jiro Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka” ayuu yiri afhayeenka

G/sare Xassan Cabdullahi Maxamed ayaa intaas ku daraya in Xilliga isku socodka la joojinaya ay ku beegan 24 May, 2023 saacadu marka ay tahay 6:00 makhribnimo  illaa 26 May, 2023 saacadu marka ay tahay 6:00 Subaxnimo

“Waxaa la joojiyay dhammaan gaadiidka isaga gudba Gobollada Puntland, kuwa gaarka loo leeyahay iyo gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalooyinka Puntland” ayuu yiri afhayeenka.

HOOS KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -