Taliska Booliska oo faahfaahin ka bixiyey khasaaraha qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Afhayeenka ciidanka Booliska Somalia ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qaraxii ismidaaminta ahaa ee caawa lagu weeraray saldhiga Booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

“Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun, qof naftii halige ah ayaa caawa fiidkii isku qarxiyay afaafka hore ee Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi” ayuu yiri afhayeenka Booliska.

Mar uu ka hadlayey Khasaaraha uu qaraxu reebay ayuu sheegay in ilaa 7 qofood oo uu ku jiray qofkii iska qarxiyey ay ku dhinteen halka 6 kale ay ku dhaawacmeen.

“Ilaahay ha u naxariisto Ex-G/lle Axmed Cabdulahi Baashane (Taliyihii Saldhiga Waaberi), Ex-G/lle Cabdi Baasid Maxamuud Cageey (Taliye xigeenkii hore ee Qeybta Waliyow cadde) 3 askari oo Ciidanka ah iyo qof dariska ahaa ayaa ka mid ahaa dadka dhintay” ayuu yiri afhayeenka Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -