(Akhriso) Hey’adda Duulista Rayidka DF oo War ka soo saartay keenista Qaadka Kenya

Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa mar kale ay ku celisay inaan la soo geli karin dalka Qaadka ka yimaada Kenya ee Miraa isla markaana uu sidiisii yahay go’aankii ay dowladdu horey uga soo saartay.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo saadaasha Hawada ayaa lagu sheegay ineysan waxba iska bedelin siyaasada DF ee lagu joojiyey Qaadka Kenya.

“Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) waxay si sharaf leh ugu war-gelineysaa dhammaan howlwadeenada in Qaadka Mirra oo la keeno Soomaaliya ay weli mamnuuc tahay, islamarkaana Siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan soo dhoofinta Qaadka Miraa ee garoomada diyaaradaha dalka aysan waxba iska beddelin,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Hey’adda Duulista Raydika Soomaaliya.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in haddii la isku dayo in dalka la keeno Qaadka Kenya ay tallaabadaas dowladda Soomaaliya u aqoonsaneyso xad-gudub ka dhan ah hawada Soomaaliya.

“Isku day walba oo la xiriira in Qaadka Kenya lagu soo geliyo dalka iyadoon wax ogolaansho ah laga haysan Hey’adda Duulista Rayidka,  waxaa loo qaadan doonaa tallaabo sharci darro ah iyo ku xad-gudub Hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka oo ku soo aaday xili DF ay dhowaan xiriirkii diblomaasi la soo ceshatay Kenya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA HEYADDA DUULISTA HAWADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -