Antonio Guterres oo ka hadlay Heshiiska ay gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo mudooyinkii lasoo dhaafay xiriirkoodu go’ay ayaa dhawaan ku heshiiyay in mar kale dib usoo celiyaan xiriirkii diblumaasiyadeed ee u dhaxeeyay .

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa si diiran usoo dhaweeyay dib usoo celinta xiriirkii diblumaasi ee u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna amaanay doorkii dowlada Qadar ka geesatay is fahamka dhax maray labada dal.

Antonio Guterres , ayaa sheegay in door fiican ka ciyaartay dowlada Qadar sidii mar kale loo soo celin lahaa xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna ugu baaqay labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya in ay dhameestiraan is afgaradka u bilowday.

“Waxa aan soo dhaweynayaa kaalinta Dowladda Qadar ee dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya, waa tallaab habboon oo xoojineysa diblumaasiyadda & horumarka siyaasadda, waxa dhiman waa in la dhammeystiraa si looga gungaaro is afgaradka bilawga ah” Antonio Guterres ayaa sidaasi yiri.

Dowlado kala duwan ayaa soo dhaweeyay heshiiska bilowga ee dhax maray Soomaaliya iyo Kenya kuna soo celiyeen xiriirka diblumaasi dabayaaqada sanadkii hore xumaaday, waxaana heshiiskan ka shaqeesay Dowlada Qadar oo labada dal saameyn dhaqaale ku leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -