Aqalka sare oo lagu cadaadinayo inuu diido go’aanka dalka looga mamnuucay DP World

Xubnaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa qarka u saaran iney gebi ahaanba diidaan Xeerkii dalka looga mamnuucay shirkadda DP World kaasoo maalmo ka hor lagu ansixiyey fadhigii aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia.

Diidmada xeerkan ayaa laga dareemay fadhigii shalay ay xaruntooda magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha aqalka sare.

Xildhibaanada Aqalka sare qaarkood ayaa ka soo horjeestay xeerkan iyo qaabkii uu u meel mariyay Golaha Shacabka, iyagoo sheegaya in meel marinta xeerkan ay saameyn karto ganacsato Soomaali ah oo hanti badan ku leh dalka Imaaraadka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowlad goboleedyada dalka ka jira qaarkood ay ku cadaadinayaan xubnaha ku metela aqalka sare iney ka hor tagaan xeerka dalka looga mamnuucay DP Word maadaama ay heshiisyo kula jiraan shirkaddan.

Maamulka Puntland ayaa ka mid ah maamulada diidan in xeerkan uu meel maro maadaama uu heshiis lagu balaarinayo dekeda Boosaaso kula jiro shirkadda DP World, waxaana maalintii labaad aqalka sare ka socda dooda ku aadan xeerkan.

Xeerka dalka looga mamnuucay shirkadda DP World oo horey muran iyo khilaaf uga dhex dhaliyey dowlada Somalia iyo Maamulka Somaliland ayaa hadda u muuqda in khilkaafka ka dhashay uu ku soo fiday labada aqal ee Baarlamanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -