Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta markii labaad u fadhiisatay dhageysiga dacwada saraakiil iyo askar lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka Gudoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun.
Waxaana maanta mar kale Maxkamada la horgeeyay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya uu ku jiro taliyihii saldhiga degmada Howlwadaag Gaashaanle Shuceyb, kuwaa oo loo heestay dilka Gudoomiyihii degmada Hodan.
Maxkamada ayaa amartay dhageysiga kiiska kadib in lasii daayo labo askari oo katirsanaa ciidankii loo heestay dilka kuwaa oo lagu waayay wax dambi ah, askarta lasii daayay ayaana kala haaa Cabdiraxmaan Isaaq Cabdullaahi & Xasan Abuukar Maxamuud .
Kiiska dilka loo geestay Gudoomiyihii Hodan Cabdixakiin Dhagajuun ayaa hada waxaa u xiran shan askari oo katirsan ciidanka booliiska uu ku jiro Taliyihii saldhiga degmada Howlwadaag, waxaana baxsad ku maqan mid kamid ah askarta dilka lagu tuhmayo.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaana la filayaa in ay go’aan kasoo saarto kiiskan dilka Gudoomiyihii degmada Hodan ayna xukuno ku rido askarta iyo saraakiisha laga helo in ay ka dambeeyeen dilkaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com