Shiinaha oo ka hadlay Dhibaatada ka dhalan karta Gantaalka soo fakaday ee maanta dhulka…

Dowlada Shiinaha ayaa ka hadashay waxyeelada ka dhalan karto gantaalka weyn ee kasoo fakaday dowladaasi ,kaa oo lagu wado in maanta oo sabti ah dhulka kusoo dhaco kadib maalmo uu hawada sare kusoo jiray.

War kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda dowlada Shiinaha ayaa lagu sheegay in waxyeelo sidaa u badan uusan geysan doonin gantaalkan oo lagu magacaabo Long March-5b, marka uu dhulka kusoo dhaco .

Gantaalkan oo dherirkiisu yahay 30 mitir sidoo kale sidoo kale xajmigiisa lagu qiyaasay gawaarida xamuulka qaado oo kale bishii hore loo diray saldhig cusub uu Shiinaha hawada sare ka sameestay Shiinaha balse si lama filaan ah ayuu gantaalkan usoo fakaday.

Waxaa wali la ogaan karin goobta rasmiga ah uu kusoo dhacayo gantaalkan sida dowlada Shiinaha sheegtay, waxa ayna khubarada isha ku heysa gantaalkan sheegeen in ugu dambeyn la ogaan doono marka uu dhulka kusoo dhawaado maanta oo sabti ah.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Wang Wenbin ayaa Warbaahinta u sheegay in Shiinuhu uu si dhow ula socdo gantaalka oo intiisa badanna uu guban doono marka dib uu dhulka soo gaaro sida uu tilmaamay.

Gantaalkan soo fakaday ee dhulka kusoo wajahan ayaa noqonaya kii labaad ee ugu wayn ee la xakameyn waayay ee dhulka ku soo dhaca, 30 sano gudahood, waxaana wali la ogeyn goobta uu ku dhici doono iyo waxyeelada ka dhalan karta .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -