Guddi farsamo oo loo saaray xal ka gaarista Dagaaladii ka dhacay Muqdisho (Akhriso Magacyada)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xil-gaarsiinta federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo loogu tala galay in ay kasoo talo bixiyaan xal ka gaarista dagaaladii ka dhacay Muqdisho.

Guddigan farsamo uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka, waxaana guddigan Gudoomiye looga dhigay Wasiirka Amniga Xasan Xundubey.

Qoraalka kasoo baxay Rooble ayaa lagu sheegay in guddigan ka shaqeenayaan xalinta caqabadaha saameeyay ciidamadan ee ka dhashay arimaha siyaasada iyo in ciidamadan dib loogu celiyo furumihii ay kasoo baxeen.

Halkan ka Akhriso magacyada Guddigan iyo shaqada ay qabanayaan 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -