Waa sidee xaalada degaanadii shalay lagu dagaalamay ee duleedka Gaalkacyo?

Xaalad deganaansho aan caga badan ku joogin ayaa ka jirta saaka tuulooyin hoos taga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay shalay ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Labada maleeshiyo ayaa la soo sheegayaa iney weli isku hor fadhiyaan degaanadii lagu dagaalamay, iyadoo daqiiqad walba la filan karo in dagaalku uu dib u qarxo.

Ugu yaraan 15 qof ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen dagaalkan oo salka ku haya muran la xiriira dhul daaqsiimeed halkaas ku yaalla.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo baaq nabadeed soo saaray ayaa sheegay in dagaalka ka soo cusboonaaday degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo uu yahay mid aan la aqbali Karin, isagoo Guddiga Nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah la codsaday iney si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhexmartay.

Odayaal iyo Waxgarad ka tirsan labada beelood ayaa bilaabay dedaalo nabadeed oo lagu xalinayo colaada ka soo cusboonaatay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -