Ra’isul Wasaare Rooble oo kulan la qaadanaya Saraakiishii kasoo horjeesatay Mudo kororsiga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan kulan gaar ah la qaato saraakiishii kasoo horjeestay mudo kororsiga dowlada Soomaaliya ay ka laabatay.

Sida aan wararka ku helnay Rooble iyo guddi ay iska soo dhax magacaabeen saraakiishan ayaa kawada hadlaya sidii loo dhameyn lahaa xiisadii ka dhalatay mudo kororsiga ayna ciidamada dib ugu laaban lahaayeen goobihii ay ka yimaadeen.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo dhawaan lagu wareejiyay howlaha doorashada iyo amaanka ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah musharaxiinta mucaaradka kuwaa uu kala hadlay sidii loo dejin lahaa xiisada Muqdisho .

Rooble ayaana dadaal badan ku bixinaya sidii magaalada Muqdisho looga saari lahaa ciidamada taabacsan mucaaradka kuwaa oo dhankooda ka wal walsan hadii ay laabtaan in aargoosi kala kulmaan saraakiisha iyo madaxda dowlada.

Saraakiisha hogaamineysay ciidamadii Muqdisho kula dagaalamay kuwa dowlada fedeeraalka Soomaaliya ayaa shir ay yeesheen ayey soo saareen qodobo ay shuruud kaga dhigeen in ay ka baxaan magaalada kuna laabtaan furumaha dagaalka.

Qodobada kasoo baxay shirka  Saraakiisha ayaa waxaa kamid ahaa 

 

  1. In Xukuumadda Rooble ay ka laabato go’aankii ay Ciidanka Muddo korarsiga kasoo horjeeda ay ugu yeertay Maleeshiyaad oo ay sheegaan in ay yihiin Ciidanka Qaranka.
  2. In Taliyeyaasha sare ee ciidamada dowlada la badalo maadaama rag is dagaalamay aysan isku talin karin si looga fogaado in la beegsado ciidamada muddo kororsiga diidanaa.
  3. In aan Ciidamada muddo korarsiga diiday aan laga jari karin Mushaaraadkooda maadaama ay Qaranka ka badbaadiyeen.
  4. Inaan la beegsan karin Saraakiisha iyo Ciidamadaas haddi ay joogan gudaha magaaladda iyo bannaankeeda.
  5. in Ciidamada Badbaado Qaran ay goobahooda joogi doonnaan amniga xaafaddahaasna ay sugi doonnaan inta ay ka kala cadaaneyso in Rooble uu ku shaqeynaayo fekerkii Farmaajo iyo inuu yahay masuul u madax banaan go’aanadiisa.

6-Haddii ciidamada badbaado Qaran uu weerar uga yimaado dhinaca Ciidanka Farmaajo taabacsana waxay ku qasbanaan doonaan iney isdifaacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -