Dr. Mutlaq Al-Qahtani oo ka hadlay howlaha dhexdhexaadinta ee u joogo Somalia

Egeyga dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya oo la hadlayey TV-ga Aljazeera aya markii ugu horeysay ka hadlay socdaalkiisa Soomaaliya iyo howlaha dhexdhexaadinta ah ee uu wado

Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa sheegay inuu socdaalkiisu la xiriiro sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida, isla markaana la isugu soo dhoweyn lahaa walaalaha Soomaaliyeed si loo sii wado dhabaha xukunka dimoqraadiyadda, isagoo xusay in guulo la taaban karo laga gaaray arrintaas.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar ayaa qoraal kasoo baxay lagu sheegay in Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arimaha Dibadda ee La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Xalinta Khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani uu la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka iskaashi ee labada dal ka dhexeeya, horumarka ka socda Soomaaliya iyo dadaalada lagu gaarayo dib u heshiisiinta qaran, amniga iyo xasiloonida shacabka Soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho, waxaa maalintii seddaxaad ku sugan wefdi uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee Qatar u qaabilsan wadaxaajoodyada iyo la dagaallanka argagixisada, Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani.

Wuxuu Soomaaliya u joogaa arrimo wadahadal iyo dhexdhexaadin. Weftiga uu hoggaminayo waxay la kala kulmeen, Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Guddoonka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka iyo qaar ka mid ah mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -