Jubbaland oo War ka soo saartay shirka uu iclaamiyey Raisul Wasaare Rooble

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta shaaciyey inay ka qeyb-gelayaan shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Max’uud Sayid Aadan ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay ka qeyb galka shirka uu 20-ka bishan uu iclaamiyey ra’iisul wasaaruhu, isla markaana ay tegi doonaan Muqdisho.

Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku baaqay in la isku tanaasulo, isla markaana danta guud ee shacabka Soomaaliyeed la eego, sidoo kalena raii’sal wasaaraha looga baahan yahay inuu xal u helo arrimihii lagu muransanaa ee sababay khilaafka.

Ciidamada ay dowladda dhexe horay ugu daabushay gobolka Gedo oo ka tirsan Jubbaland ayuu sheegay in arrintaas xalkeeda looga fadhiyo ra’iisul wasaaraha.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa 20-ka bishan May iclaamiyey shir madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ay heshiis uga gaarayaan khilaafka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -