(Sawirro) Puntland oo xukun dil ah ku riday shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Puntland, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday shan sarkaal oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Xubnaha dilka lagu xukumay ayaa kala ah:-

1-Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib),
2-Cabdulqaadir Axmed Ummal (Abu-Cabdalla),
3-Maxamed Cali Cawke (Jeeri),
4-Maxamed Cabdullaahi Ayaanle (Abbeyle) iyo 5-Qaasim Jaylaani Al-turaabi

Dhegaysiga dacwadda loo haysto shantan sarkaal ayaa mudda laba maalmood ah ka socotay xarunta ay Gaalkacyo ku leedahay Maxkamadda Ciidamada Qalabka.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in ay raggan muddo 13 sano ah masuul ka ahaayeen dilal joogto ah oo loo geysanayay saraakiil ami, masuuliyiin iyo dad shacab ah oo lagu dilay Gaalkacyo.

Waxaa la soo bandhigay muuqaallo laga duubay raggan oo qiranaya inay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo falalkii ay ka geysteen Gaalkacyo, inkastoo qaarkood markii maxkamadda la horkeenay ay dafireen.

Maxkamadda ayaa xorriyadooda u celisay afar qof oo ku eedaysnaa Shabaabnimo, balse lagu waayay wax cadeyn ah sida uu sheegay gudoomiyaha Maxkamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -