Saciid Ciise: “Farmaajow doorasho waxaa ka horeysa in adiga meel lagugu hubsado”

Waxaa la isku haysto hadda waa ka weyn yahay Doorasho oo waa ay kuu muuqataa in albaabkaas dib u furidiisa ay ka horeyso madaxaaga in meel lagu hubsado.

Rooble waa hooskaaga oo adiga harsigiisu waxba kuuma galo, sidoo kalana kuwa kaa soo horjeeda hooskaaga har qabow oo ay jalbeebkiisa ku nastaan uma arkaan. Saddex dembi oo kaa dhacay doorasho uma qabsoomeyso ee Rooble mustaqbalkiisa ha seejin, maxaa yeelay waa inaan dhibanaa oo aan waxba ogeyn oo dhukan oo aan mudneyn cadaab in cagaha loo geliyo, meesha eedeysanaha uu kor ka fiirsanayo dembiyada uu abaabuley sida yoolalkoodu u dhasho.

Farmaajow waxaad isku dayday inaad disho labadii madaxweyne ee xilka kaaga horeeyey, raisulwasaarihii kula soo shaqeeyey, musharixiinta qorshahoodu ahaa iney kula tartamaan, iyo xildhibaano qaran.

Waad ku fashilantay shirqoolkii aad la damacsaneyd masuuliyiintaas heybada weyn huwan. Waxaad mar 2aad isku dayday inaad dagaal dhiig ku daatay aad ku qaaday shacabka ku nool Muqdishu adiga oo ciidamo aaad ku soo xulatay heybsooc oo aad kala soo dhexbaxday ciidamada qaranka, taas oo aad ku guuleystay inaad daadisay dhiigooda, laakiin aad ku guuldareysatay ciidankii aan qaangaarka ahayn iney kuu gumeeyaan shacabka Muqdisho. Waxaad sameeysay liis aad dooneysid inaad xilalka uga qaadid dhamaan saraakiiska ciidanka ka horistaagey inaad Xamar ka dhigato qalcad kelitalis, islamarkaasna sarakiisha aad soo heybsoocatay inaad dalacsiin iyo xilal darajooyina aad huwisid. Isku day kama hawo dhigtide, iskudaygaagii u dambeeyey ee Rooble adigaaba sheegay inuusan guuleysaneyn oo waad og tahay inuu Rooble yahay sac aad saynta uga taagan tahay.

Farmaajow madaxaaga meel uu geli karo la raadi, sida muuqata islama heleysid gacan kudhiiglenimo iyo xil siihayn aad awooda dowladda ku sii haysid sida inaad madax u noqotid ciidankii aad kala heybsoocday, inaad hantida iyo awooda qaranka aad ku sii takrifashid oo ah midka aad ku geysatey gaboodfalka kor ku husan, iyo inaad dhexdhexaad ka noqotid doorasho aan cidina kugula tartamin. Inta aad joojisid iskudeyga aysan tijaabooyinkoodu mirodhalka ahayn, waxaad u soo jeesataa inaad marka hore madaxaaga meel ku hubsatid.

Intii aad adigoo gacankudhiigle ah aad isku mashquulin lahayd inaad noqotid musharax ama madaxweyne ciidanku ka amarqaato ama noqda jiheeye doorasho ama hela xurmad madaxweyne hore ama haysta adeegsiga golaha wasiirada, Farmaajow intaas oo dhan kuuma suurtoobeyso ee madaxaaga maqaam kale u raadi inta uusan gorgortankiisu k imaan shacabka aad Xamar ku xasuuqday.

Adigu ha ku sirmin iskudeygaaga aad rumeysan tahay, waxaan ku sheegayaa shacabka Muqdisho waa isugu mid ama inaad tanaasul beena buura u soo cimaaamad saaratid Khadiijo Diiriye ama Rooble ama Xundubey ama Dube. Iyadoon madaxaaga heshiis laga gaarin doorasho ma dhaceyso.

W/Q: Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha

- Advertisement -