Mutlaq bin Majed Al-Qahtani oo gaaray Hargeysa lana kulmay Muuse Biixi (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday dowlada Qadar uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.
 
Ugu horrayna madaxweynaha Somaliland, ayaa warbixin dheer ka siiyey weftiga xaaladda guud ee dalku marayo maanta iyo halkii laga soo ambo qaaday geeddiga Dimuquraaddiyadda muddo Soddon sanno ah, waxaanu madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qadar.
 
Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay in Qadar iyo Somaliland ay yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar Somaliland ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah.
 
Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii hay’adda Qadar u qaabilsan mucaawimooyinka ee (Qadar Charity) ay xafiis uga furan lahayd Somaliland, loona xoojin lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah.
 
Waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo in halkaa laga ambo qaado xidhiidh wada shaqayneed ee u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowlada Qadar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -