Buugga Hagaha Ganacsiga oo lagu soo bandhigay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu soo bandhigay Buugga Hagaha Ganacsiga ee uu Qoray qoraa Mumin Macalin Maxamuud.

Bandhigga Buugga Hagaha Ganacsiga ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Hey’adaha Dowladda oo ay ugu horeeyaan Gudoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Shakeeti, La-taliyaha Xafiiska Raisul wasaaraha, Aweys Maxamed Cumar, Gudoomiyaha Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Md, Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax, Saraakiil ka socotay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Ganacsato Soomaaliyeed.

Qoraaga Buugga oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Buugga Hagaha ganacsiga ay ku qaadatay qoriddiisa mudo 2 sano ah, isagoo xusay in buuggaani ay ku xusanyihiin tusaalooyin cadcad oo qofka ganacsadaha ku hagaayo inuu guuleysto ganacsigiisa.

Sidoo kale Qoraaga Buugga Md, Mumin Macalin Maxamuud ayaa u hibeeyay Buugaag uu ugu talo galay Maktabadaha qaar ee ka jiro wadanka, isagoo sheegay in buugaani qoristiisa ay ku qasabtay kadib markii uu arkay ganacsiyo badan oo soomaaliyeed oo guuldareysanaayo, isagoo 14-ka cutub ee buuggaani mid mid u dul istaagayo ganacsiyada guuleystay iyo kuwa guuldareystay.

Ugu dambeyn Mas’uulyiinta kasoo qeybgalay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay qoraaga buuga sida wanaagsan ee uu cilmiiga uga faaideynaa ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -