Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle oo booqasho ku tagay Hoyga Sheekh Shariif (Sawirro)

Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa maanta booqasho ku tagay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay madaxda maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ee booqashada ugu timid, waxaana labada dhinac dhax maray kulan is xog wareesi ah.

Sida aan wararka ku helnay Sheekh Shariif iyo Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle ayaa kawada hadlay sidii looga shaqeyn lahaa dejinta xiisadii ka taagneyd Muqdisho loogana shaqeyn lahaa in ciidamada taabacsan musharaxiinta magaalada looga saari lahaa  .

Kulanka dhax maray Gudoomiyaha Golaha Midoga Musharaxiinta iyo madaxda maamaulada taabacsan dowlada federaalka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii looga shaqeyn lahaa qabsoomida doorasho u dhacda si xor iyo xalaal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/-u1zjySi5Hw

Related posts

(Sawirro) Koonfur Kuuriya 26 qof ayaa dhimatay, 10 kalena waa la la’yahay ka dib markii..

Caydiid Ali

Kenya oo Labo Diyaarad oo ay Lahaayeen Ciidamada Cirka ee Soomaaliya Ku iibineysa Lacag raqiis ah !

Cabdi Cade

Xamaas oo sii deysay Video la heyste reer Isra’iil ah oo lagu dilay duqeynta Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---