Dubbe: “Ciidanka Qaranka ayaa soo afjaray abaabul ay wadeen Kooxo Qaran dumis ah”

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa si yaab leh uga hadlay  xiisadda iyo dagaalada maanta illaa caawa ka taagan magaalada Muqdisho.

Dubbe ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay soo afjareen isku day ay uu sheegay iney soo abaabuleen kooxo uu ku tilmaamay qaran dumis ah oo lid ku ah Nabada.

“Isbahaysiga Qaran dumiska oo kaashanaya qaar ka mid ah dawladaha aan dariska nahay ayaa isku dayay galinkii dambe ee maanta inay fowdo iyo dagaal galiyaan shacabka Soomaaliyeed ee soomman ALLE Mahadi hawlgal waqti kooban qaatay ayay ciidanka qaranka ee geesiyaasha ah ku soo afjareen” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa hadalkan jeediyay xili uu weli socdo dagaal caawa ka qarxay Km4 iyo agagaarka Madaxtooyadii Cabdi Qaasim waxaana dagaalka uu ku sii fidayaa goobo cusub oo ku teedsan wadada Maka Al Mukarama.

Waxaa sidoo kale rasaas laga maqlay Isgoyska Sayidka ee laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa dagaal uu ka dhacay isgoysa Dabka ee wadada Makka Al-Mukarama, xaalada magaalada Muqdisho ayaana weli kacsan.

- Advertisement -