Shiikh Shariif oo Baaq u diray ciidamada dowlada ee weli difaacaya Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shikh Axmed oo qoraal soo dhigay baraha bushada ayaa ka hadlay dagaalada maanta ilaa caawa ka bilowday Muqdisho.

Shariif ayaa sheegay in xalka Somalia uu ku jiro wadahadal iyo Nabad. isagoo Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ka dalbaday inuu joojiyo dhiigaya daadanaya.

Ciidamada DF ayuu ugu baaqay iney ka baxaan dagaalka oo aysan qaadanin amaro qaldan oo lid ku ah dalkooda iyo dadkooda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHARIIF OO DHAMEYSTIRAN.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarada qaar kamid ah  ciidamada dowladdu ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore ee dalka Hassan Sheikh Mohamud iyo hogaamiyaha Xisbiga wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame.

Dhibaatada weerarkaas ka dhalata mus’uuliyadeeda waxaa qaadaya madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaan ugu baaqayaa ciidamada qaranka in aysan qaadan amarada khaldan ee lidka ku ah sharciga ciidanka iyo sharuucda kale ee dalka u degsan  iyadoo aan uga digayno ciidamada in aysan ku milmin siyaasadda.

Waxaan  ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday inuu joojiyo dhiigga daadanaya iyo qalalaasaha uu ka wado caasimadda, Dalkana uusan u horseedin burbur iyo qaran jab, xalkuna wuxuu jiraa in dalku doorasho aado.

Soomaaliya xal aan ahayn wadahadal iyo isqancin xilligan wax aan ahayn kama furna, haddii ciidan iyo dagaal ooganimo wax lagu helayo kuwa isaga ka xoog iyo hub badnaa ayay dadka Muqdisho barqad cad iska xureeyeen.

Shacabka Soomaaliyeed na waxaan ugu baaqaayaa in ay loo wada istaago sidii dalkaan looga badbaadin lahaa in uu dib ugu laabto meeshii adkeyd ee laga keneey, oo si wadajir ah loga hortago khatarta taliska xilligiisu dhamaadey.

 

- Advertisement -