Dhaxal sugaha Sacuudiga oo si lama filaan ah u amaanay dowlada Qatar

Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Mohamed Bin Salman ayaa amaan si lama filaan ah u amaanay dhaqaalaha dalka Qatar oo uu xiriirka u jaray.

Mohamed Bin Salman oo ka hadlayay shirka maalgelineed ee Future Investment Initiative oo ka dhacaya Riyadh, ayaa sheegay in dhaqaalaha dowlada Qatar uu sameeyey horumar weyn.

“Qatar, inkastoo aan kala duwannahay, is khilaafsan nahay, haddana waxa marqaati ma doonto ah inay leeyihiin dhaqaale ballaaran, wayna kasii wanaagsanaan doonaan 5-ta sanadood ee soo aaddan” ayuu yiri Mohamed Bin Salman.

Hadalka dhaxal sugaha oo dad badan lama filaan ku noqday ayaa u muuqda mid heshiis doon ah tan iyo go’doomintii Juun 2017-kii.

Mohamed Bin Salman oo culeys caalami ah uu ka heysto dilka loo geystay suxufiga Jamal Khashogi oo lagu eedeeyey inuu isagu amray ayaa u muuqda inuu debecsanaan u muujinayo dowlada Qatar si uu indhaha caalamka uga jeediyo fadeexada heysata oo halis gelin karta inuu sii hayo xilka dhaxal sugaha.

Bin Salman ayaa si weyn loo aaminsan yahay inuu ka dambeeyey in dalka Qadar laga go’doomiyo bad, dhul iyo cir, arrintaasoo ay ku wehliyaan dalalka Imaaraatka, Masar iyo Baxrayn inkastoo Qatar aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin go’doomintaas maadaama uu yahay dal dhaqaalihiisu sareeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -