Ciidamada dowlada oo dib ula wareegay isgoyska Fagax & xaalada oo weli kacsan

Ciidamadii gadoodsanaa ee saaka la wareegay xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa la soo sheegayaa inay dib ugu laabteen degaanka Gubadley ee duleedka degmada Kaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay dib u qabsadeen dagaal la’aan aaga Fagax oo saaka sidoo kale ay ka dhaceen dibed baxyo looga soo horjeedo Farmaajo.

Talaabada ciidamada gadoodsan uga baxeen nawaaxiga isgoyska Fagax ayaa timid ka dib wadahadal dhexmaray saraakiisha ciidamadaas horkacayey iyo odayaasha degaanka.

Ciidamo ka tirsan Haramcad ayaa la sheegayaa iney haatan joogaan nawaaxiga isgoyska Fagax halkaasoo ay ka sameysteen fariisimo.

Dhinaca kale, Dagaal ayaa mar kale ka qarxay xaafada Mirinaayada ee degmada C/casiis ka dib markii ciidamada NISA  oo markii hore loo soo riixay dhinaca garoonka Eng. Yariisow ay soo qaadeen weerar rogaal celis ah, iyagoo gacan ka helaya ciidamo ka tirsan Gorgor oo wata gaadiid Gaashaaman, rasaas xoogan ayaana weli ka socota aaga mirinaayada oo nuu degan yahay madaxweynihii hore ee Somalia Xassan Shiikh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -