Cunaqabateyn lagu soo rogay shaqsiyaad Sacuudi ah oo ku lug lahaa Dilkii Jamal Khashoggi

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn ka dhan ah 17 qof oo u dhashay dalka Sacuudiga, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilka suxufi Jamaal Khaashuqji.

Dadka cunqabateynta la saarayo waxaa ku jira Saud al-Qahtani, oo kaaliye sare u ahaan jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, iyo qunsulkii Sacuudiga ee Istanbul Mohammed Alotaibi.

“Shaqsiyaadkan bartilmaameedsaday ee sida xun u dilay Jamaal Khaashuqji waa inay wajahaan cawaaqibka ficilladooda” waxaa sidaas bayaan ku yiri xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steve Mnuchin.

Cunaqabateynta ayaa waxaa la fulinayaa ayada oo la eegayo xeerka caalamiga ah ee la-xisabtanka xuquuqda aadanaha ee Magnitsky, kaasi oo lagu beegsado dadka geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo ficillada musuq-maasuq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -