Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dilay magaalada Muqdisho nin oday ah oo ka tirsan Nabadoonada beelaha Soomaliyeed.

Nabadoon C/llaahi Ciise Hilowle ayay wararku sheegayaan in lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ragga bastooladaha ku hubeysnaa ee dilay nabadoonka ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada amaanka DF gaar ahaan kuwa saldhiga Kaaraan ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano sida wararku nagu soo gaarayaan.

Maamulka degmada Kaaraan iyo Saraakiisha amaanka degmadaas ayaan weli ka hadlin dilkan oo aan la ogeyn sababta iyo cida ka dambeysa inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/UWBqNyPBkzc

Related posts

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay xiisada ka aloosan Belad Xaawo

Caydiid Ali

Warbaahinta dowlada Somalia oo caawa laga sii daayey Warar aan looga baran

Caydiid Ali

Galmudug oo Shaacisay Magacyada Xubnaha golaha Deegaanka ee Balanballe (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---