Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay xiisada ka aloosan Belad Xaawo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay xiisada ka taagan Magaalada B/xaawo ee gobolka Gedo ee u dhexeysa ciidamada Kenya iyo dadka degaanka.

Xiisada ayaa salka ku heysa muran ka taagan halka la marinayo derbiga Kenya ka dhiseyso xadka Somalia gaar ahaan degmada B/Xaawo, iyadoo dadka degaanku sheegayaan in Kenya ay dooneyso iney dhul Soomaaliyeed dhinaceeda marsato.

Xasan Shiikh ayaa sheegay in xiisada ka taagan B/xaawo ay tahay mid dabiici ah oo had iyo jeer lagu arko dowladaha deriska ah, loona baahan yahay in si feejigan loo xaliyo iyadoo la raacayo sharuucda iyo qawaaniinta caalamiga ah;

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Xasan Shiikh:-

Waa wax dabiici ah in laba dal oo daris ah ay Marar badan dhex marto kala aragti duwanaansho la xiriirta qaddiyadaha qaarkood.

Arrinka baryahaan ka taagan Magaalada Balad Xaawo waa arrin u baahan degganaan iyo raacid shuruucda iyo dhaqamada caalamka ee soo jireenka ah ee la xiriira calaamadeynta xuduudaha.

Waxayna ku habbooneyd in si wadajir ah ay labada dowladood uga wada shaqeeyaan ee askari Kenyaan ah oo Beebe wata iyo Gabar Soomaaliyeed ee dhagax tuureysa la isku daayo sax ma aha.

Haddaba, waxaan u soo jeedinayaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iney gutaan mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta xuduudaha iyo hantida la burburiyay ee dadka reer Beled Xaawo. Xaajadu yaaney u ekaanin “GURBOOD GARRAMAYA WAXAY WAAYEEN WAAYEEL U GARRAMA” oo yaan carruurta iyo gabdhaha dhagaxa tuuraya loogu simin xaajada.

Dowladda Kenya waxaan leeyahay kala guurimeyno ee boogaha yaan la danqin iyadoo horaba ay u taagneed arrinkii badda yaan lagu sii darin mid kale oo darisnimada iyo duruufaha isbadbadalayo wax ha loo reebo.

Xaajadane ha la dejiyo oo guddi wada jir ah ha loo saaro wey mudan tahaye si qolo waliba u qanacdo maadaama arrinkaani leeyahay xasaasiyad leh taariikh soo Jireen ah. Si kastaba ha ahaate aamusnaanta dowladda Soomaaliya xal kuma jiro haba yaraatee.

Gabagabadii waxaan leeyahay “YAANNAAN NOQONIN DOQONTII U DAGAAL LA’AYD YAAN LAGAAGA DARIN”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -