Warbaahinta dowlada Somalia oo caawa laga sii daayey Warar aan looga baran

Warbaahinta ku hadasha codka dowladda Federaalka Somalia ayaa markii ugu horeysay laga sii daayey caawa wararka xisbiyada Mucaaradka ee dhaliila madaxda dowlada.

Labo War-saxaafadeed oo ay soo kala saareen xisbiyadda dalka ka jira ee ay kala hogaamiyaan hoogaamiyaan madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Telefishanka Qaranka ee SNTV laga baahiyey.

Warka ay soo kala saareen xisbiyadan ayaa ku saabsanaa taageero ay u muujiyeen mowqifka dowladda Soomaaliya ka qaadatay xiisada diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Somalia.

Warbaahinta dowladda ayaa kaliye sii deysa wararka dowladda, iyadoo xitaa laga joojiyo wararka Baarlamaanka marka ay xiisad ama mooshin ka dhan ah madaxda sare uu ka jiro.

“Waa markii ugu horaysay oo Nabad iyo Nolol ogolaadaan in warka Xisbiyada mucaaradka laga sii daayo Telefishinka Qaranka, Waxaan rajaynaynaa in telefishinka Qaranka iyo Radio Mogadishu ay noqdaan kuwa loo wada simanyahay maadaama ay ka mid yihiin hantida umadda ka dhaxaysa” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo soo dhoweeyey talaabadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -