Midowga Afrika oo go’aano culus ka soo saaray muddo kororsiga hogaanka DF (Akhriso)

Golaha Nabadgelyada iyo Amniga Midowga Afrika ayaa ka hor yimid go’aankii ka soo baxay Golaha Shacabka Soomaaliya ee muddada labada sano ah loogu kordhiyey muddo xileedka heyadaha dastuuriga ah ee DF.

War-murtiyeed kasoo baxay kulan uu maanta yeeshay golaha ayaa lagu cambaareeyey go’aankaas dib loogu dhigayo doorashooyinkii Soomaaliya oo ay sheegeen inuu caqabad ku yahay  midnimada, xasilloonida iyo dimoqraadiyada Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay inuu rumeysan yahay in heshiiskii 17-ka September 2021 uu yahay saldhigga iyo habka ugu wanaagsan ee lagu qaban karo doorasho xilligeeda ku dhacda.

Sidoo kale golaha ayaa ku booriyey hoggaamiyayaasha Soomaalida inay ahmiyad siiyaan danaha qaranka, ayna deg deg dib ugu billaabaan wada-hadallo saldhigoodu yahay heshiiskii September 17, iyo soo-jeedintii guddiga farsamo ee Baydhabo.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayuu sidoo kale goluhu ka dalbaday inuu deg deg u magacaabo ergey loo diro Soomaaliya, si uu dhinacyada Soomaaliya ugala shaqeeyo inay heshiis gaaraan, afar toddobaad gudahoodna warbixin ku soo celiya golaha.

Waxaa loogu baaqayaa IGAD iyo Beesha Caalamka, oo ay ka mid yihiin QM iyo EU, iyo la-hawlgalayaasha kale ee muhiimka ah, in ay sii wadaan la shaqeynta Midowga Afrika si dhinacyada Soomaalida loogu soo celiyo miiska wada hadalka loona caawiyo sidii ay nabad ku gaari lahaayeen. heshiis siyaasadeed;

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA MIDOWHA AFRIKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -