Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Masaajid lagu ganaaxay kumanaan Dollar sababo la xiriira cudurka COVID-19

Maamulka gobolka Västra Götaland ee dalka Sweden ayaa masaajid ku yaal Göteborg ku amray inuu bixiyo ganaax gaaraya 50,000 oo karoon oo ah lacagta dalkaas, taasoo u dhiganta kumanaan dollar.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii 9-kii bishan Abriil ay dad ka badan 50 qof isugu yimaadeen masaajidkaas kuwaasoo ku tukaday salaadii Jimcaha taasoo jebinaysa sharciga ku meel gaarka ee covid-19.

Sharcigan ayaa dhigaya in dad ka badan 8 qof aysan meel qura ku kulmi karin si looga hortago faafida cudurka Karoonaha.

”Dhacdadan sababtay in masaajidka la ganaaxo waa mid dhacda marar dhifa oo keliya”, ayey tiri Lotta Sahlin Skoog oo ka socota maamulka gobolka.

Waxay digniin ku bixisay in haddii dhacdadan oo kale ay soo laabato Masjidka la ganaaxi doono mar kale 50 kun oo karoon.-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar dishay dabley waalidkeed horey u dilay iyo Baraha bulshada oo aad looga hadal hayo !!

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo si adag u beenisay hadal kasoo yeeray Dowlada Kenya

Cabdi Cade

Al-Qaacida oo yeelatay hogaamiye cusub oo bedelay Dr. Ayman Al Zawaahiri

Caydiid Ali
Taboola Ads ---