Xukuumada Somalia oo si adag u beenisay hadal kasoo yeeray Dowlada Kenya

Xukuumada Soomaaliya ayaa si adag u beenisay hadal kasoo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma , oo sheegtay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kawada hadleyn dacwada badda ee labada wadan u dhaxeeya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin wax wada hadal ah ay Dowlada Soomaaliya kala yeelatay dalka Kenya dacwada badda ee u dhaxeysa labada wadan.

Waxa uu sheegay Wasiirka in aysan dowlada Soomaaliya kala xaajoon Kenya in dacwada badda ee labada wadan u dhaxeysa in lagu haliyo meel aan aheyn Maxkamada caalamiga ee Hegue oo gacanta ku heysa kiiska dacwada labada wadan u dhaxeeya.

“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxa uu inoo joogaa
maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inaanu
jirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhex maray, ingoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Hadalka kasoo baxay Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya hadal dhawaan kasoo yeeray Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya oo sheegtay in Madaxda dowlada kala hadleyn sidii xal looga gaari lahaa muranka badda ee labada wadan u dhaxeeya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -