Maxkamada ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay Shan xubnood oo lagu eedeeyey..

Maxkamada  ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday Koox ka tirsan Al-shabaab oo ka kooban shan xubnood.

Xubnahan ayaa lagu helay inay dilal ka geysteen Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maxkamada ayaa sheegtay in eedeysanayaasha lagu helay dhammaan dambiyada lagu soo eedeeyey,  laguna xukumay dil toogasho ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Ceyn ee Puntland G/lle Sare Cabdullaahi Cabdi Shire ayaa sheegay in raggan ay qirteen iney fuliyeen dilal ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo laga soo bilaabo sanadkii 2008-dii.

Magacyada xubnahan ayaa kala ah:-

Feysal Gujis, Sahal Cabullaahi, Iidiris Maxamed Afyare, Salmaan Maxamed Saleeban iyo Jaamac Muriidi Xuseen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -