Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Iran oo shaacisay magaca iyo Sawirka nin lagu tuhmayo Weerarkii Xarunta Nukliyeerka

Waxaa dhawaan weerar khasaaro xoogan uu kasoo gaaray xarunta Nukliyeerka Natanz uu ka dhacay dalka Iran, waxaana weerarkan dowlada Iran ku tuhmeysaa in ay ka dambeesay maamulka Israa’il.

Telefishinka dowladda Iiraan ayaalaga baahiyay magaca iyo sawirka nin ay sirdoonka dalkaas sheegeen inuu ka dambeeyay weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday xarunta nukliyeerka Natanz.

Reza Karimi ayaa isaga cararay dalka Iiraan wax yar kahor qaraxa ka dhacay xarunta Nukliyeerka, sida uu sheegay Network One, oo soo bandhigay sawirka ninka oo uu telefishinku sheegay inay doon doonayaan booliiska Interpol.

Booliiska caalamiga ee Interpol ayaa sheegtay inaysan xaqiijin karin in Mr Karimi uu ku jiray liiskeeda cas ee dadka la doon doonayo, waxaana Sirdoonka Iran baadi goob xoogan ugu jiraan soo qabashada ninkaasi.

Dowlada Iran ayaa ku hanjabtay in ay fulin doonto howlgal aargoosi ah, waxa ay sidoo kale ku hanjabtay dowlada Iran in talaabo adag ka qaadi doonto dadkii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday xarunta Nukliyeerka.

Related posts

Kenya oo ciidamo u direysa dal ay qas ka wadaan burcad hubeesan iyo Q/M oo …

Cabdi Cade

Safaarada Mareykanka ee Magaalada Beirut oo la weeraray & baaritaan socda (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dibad-baxyadii rabshadaha watay ee Garowe & Warar kale oo xiiso leh

admin
Taboola Ads ---